Cabdullaahi Xasan Yacquub — 410
30:51 51. Haddaan ku dirno dabeyl daran (beertooda), oo ay arkaan iyadoo doorsoontay oo caddaatay, waxay markaas noqdaan kuwo ka abaal dhaca 'Alle' [12].
30:52 52. Ee adigu (Nabiyow) wax ma maqashiin kartid maytida, mana maqashiin kartid kuwa dhegaha la’ dhawaaqa, markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
30:53 53. Ma ka hanuunin kartid kuwa ka indha la’ (Xaqa) lunsanaantooda, cidna ma maqashiin kartid (Xaqa) aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga oo u hoggaansan (Muslimiimta ah).
30:54 54. Alle waa Kan idinka abuuray (xaalad) tabar yari, haddana baxshay xoog tabar yari kaddib, haddana qaddaray tabar yari iyo cirro xoog kaddib, Wuxuu abuuraa wuxuu doono. Waana Isaga wax kasta Ogsoonaha, wax walba Kara.
30:55 55. Maalinta saacadda (Qiyaame) dhacdona, waxay ku dhaaran denbiilayaashu inaysan nagaanin waxaan ahayn saacad, sidaasay xaqa uga iishaan.
30:56 56. Kuwa la siiyey Cilmiga iyo Iimaanka waxay odhan: Waxaad negaateen in waafaqsan Kitaabka (Qaddarka) Alle ilaa iyo maalinka isa soo Bixinta, marka kani waa Maalinkii isa soo bixinta, ma aydaanse ogeyn [13].
30:57 57. Maalinkaas (Qiyaamaha) ma anfacdo kuwii falay dulmiga (shirki iyo macaasi) cudur daarasho iyo tawbad keen midna.
30:58 58. Waxaan ugu soo qaadannay dadka (nooc) kasta oo tusaale ah Qur’aankan gudahi, haddiise aad (Nabi Muxammadow) ula timaaddo calaamad, gaalada waxay hubaal odhan: Ma tihin idinku waxaan ahayn been ku doodayaal.
30:59 59. Sidaasuu Alle u daboolaa quluubta kuwa aan wax ogeyn [14].
30:60 60. Ee samir yeelo, hubaal Ballanka Alle waa xaq, yeysanna ku liidsan kuwa aan (Aakhirada) yaqiinsaneyn (oo kaa dhigin mid aan ku sugnaan diintiisa).