>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 41

2:249 249.Markuu Daaluud la baxay ciidammadii, wuxuu yidhi: Alle wuxuu idinku imtixaani webi. Ee qofkii ka cabbaa, iga mid ma aha, qofkiise aan dhadhamin waa iga mid, mid isagu mar ku darsada gacantiisa ma’ahee; markaasay ka cabbeen in yar maahee. Markaasuu markuu ka gudbay (webigii) isaga iyo kuwii rumeeyay ee la jiray, waxay yidhaahdeen: Ma lihin maanta awood aan kaga hor tagno Jaaluut iyo ciidammadiisa. Kuwiise yaqiinsanaa inay la kulmayaan Rabbigood,waxay yidhaahdeen: Badanaa intay koox yari ka adkaatay koox badan Idanka Alle, Allena wuxuu la jiraa kuwa samir yeesha.

2:250 250. Markay u soo muuqdeen Jaaluut iyo ciidammadiisii, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow! Nagu shub samir oo noo sug cagahayaga, oo guul naga sii qolodan gaalada ah.

2:251 251. Markaasay ku jabiyeen Idanka Alle, Daawuudna dilay Jaaluut, wuxuuna Alle siiyey (Daawuud) boqortooyo iyo Xikmad (Nabinnimo), uuna baray wax ka mid ah wuxuu doono. Haddayan jirin ku celin Alle dadka qaarba qaar kale, waxaa fasaadi lahaa arlada. Allese waa u Roonaan badan yahay uumanka.

2:252 252. Kuwani waa Aayadaha Alle, aanu kuugu akhrinno (Nabiyow) si xaq ah. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad xaqiiq ka mid tahay Rususha (Alle).