Cabdullaahi Xasan Yacquub — 408
30:33 33. Markuu dhib taabto dadka, waxay baryaan Rabbigood iyagoo u soo noqodkiis badiya, markase uu ka dhadhansiiyo Xaggiissa Naxariis, mise qaarkood waxay billaabaan inay (cid kale) Rabbigood u shariig yeelaan oo la wadaajiyaan cibaadada.
30:34 34. Si ay uga abaal dhacaan waxa aan siinnay. Iskase raaxeysta (xoogaa yar) waad ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).
30:35 35. Mise waxaan ku soo dejinnay xujo cad, oo sheegi waxay Alle u shariig yeelaan?
30:36 36. Markaan dhadhsansiinno dadka Naxariis, way ku farxaan, haddayse soo gaarto xumaato ay sababtay waxay gacmahoodu horey u geysteen (oo denbiyo ah), mise wayba quustaan.
30:37 37. Miyeyna arkayn inuu Alle u ballaariyo risiqa cidduu doono, oo ku cidhiidhiyo (cidduu doono).Waxaa arrinkani xaqiiq ugu sugan calaamooyin ciddii rumayn (Xaqa).
30:38 38. Ee sii kan qaraabada kula ah xaqiisa iyo miskiinka iyo tub socotada (go'doonsan). Sidaasaa u khayr badan kuwa doonaya Wejiga Alle, waana kuwaa liibaanayaasha.
30:39 39. Waxaad bixisaan oo ribo ah, si aad uga badsataan maalka dadka [8], ma badnaado Alle agtiis; wixiise aad bixisaan oo sako [9] ah idinkoo doonaya Wejiga Alle, waa kuwaa kuwa heli ajar labo laab ah [10].
30:40 40. Alle waa Kan idin abuuray, haddana idin irsaaqa, haddana idin dhinsiin, haddana idin soo nooleyn. Miyey jiraan kuwa aad Alle la wadaajisaan cibaadada mid fali kara wax ka mid ah waxaa? Xurmo oo dhan Isagaa iska leh oo ka hufan (xumaan), wuuna ka Sarreeyaa waxay u shariig yeelaan.
30:41 41. Waxaa ka muuqday fasahaad barriga iyo badda waxay gacmahu dadku kasbadeen darteed (oo denbiyo ah), si uu Alle u dhadhansiiyo qaar ka mid ah waxay faleen, bal inay in u soo noqdaan (Xaqa).