Cabdullaahi Xasan Yacquub — 405
30:6 6. Waa Ballan Alle, kama uu baxo Alle Ballankiisa, dadka badankiisuse ma oga.
30:7 7. Waxay yaqaanaan (dadku) daahirka muuqaalka nolosha adduunkan, nolosha dambe se (Aakhirada) way moog yihiin.
30:8 8. Miyeyna ka fakarin nafahooda: Alle uma abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan ahayn Xaq iyo muddo magacaaban? In badan oo dadka ka mid ahna waxay beeniyaan la kulanka Rabbigood.
30:9 9. Miyeyna marin (gaalada) dhulka oo eegin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyay (ee beeniyey Rusushii Alle)? Waxay ahaayeen kuwo ka xoog iyo awood badan, waxay beerteen dhulka oo u dhiseen si ka badan siday kuwani u dhiseen, waxaana halkaa ula yimid xujooyin cad Rusushii loo soo diray. Alle ma aha mid dulmiya (dadka), iyaga baase nafahooda ku dulmiya (macaasi).
30:10 10. Markaasay noqotay cidhibtii kuwii xuma falay xumaan (Naar), beenintay Aayadaha Alle beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo ku jees-jeesa.
30:11 11. Alle baa billaabay uunka, haddana dib u soo nooleyn (dhimasho kaddib), Xaggiisaana la idiin soo celin.
30:12 12. Maalintay dhici Saacadda (Qiyaame) way quusan denbiilayaashu.
30:13 13. Ugama sugnaan wax shafeecayaal ah dhexdooda kuway (Alle) la wadaajiyeen (cibaadada), waxayna dafiri kuway Alle la wadaajiyeen (cibaadada).
30:14 14. Maalintay dhici Saacaddu waa Maalintay kala bixi (dadku).
30:15 15. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha falay, waxaa lagu maamuusi beer (Janno) gudaheed iyagoo faraxsan.