>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 404

29:64 64. Ma aha noloshatan adduunku waxaan aheyn madaddaalo iyo ciyaar. Oo hubaal Daarta dambeysa - taasi weeyaan nolosha dhabta ah (ee waarista), waase hadday og yihiin.

29:65 65. Markay koraan doonyaha, waxay baryaan Alle (Keliya), iyagoo u keli yeelaya cibaadada, markase uu nabad ku keeno barriga, markaasay u shariik yeelaan.

29:66 66. Sidaasay uga abaal dhacaan waxaanu siinnay, sidaas darteed ha iska raaxeysteen [17], wayse ogaan doonaan (cidhibteeda).

29:67 67. Miyeyna arkayn (gaaladii Quraysheed) inaanu yeellay (dejinnay) Xaram Aamin ah, halka dadka laga dafo hareerahooda [18]? Ee ma baadil (shirki) bay rumeyn, oo ku gaaloobi Nicmadda Alle (Towxiidka)?

29:68 68. Yaa ka dulmi badan kan ka been sheega Alle ama beeniya Xaqa markuu u yimid? Miyaanay ahayn Naarta hoyga gaalada?

29:69 69. Kuwase aad ugu dadaala Arrinkayaga (diinta oo ku camal fala), waxaanu ku hanuunin Jidadkayaga (lagu nabad galo). Oo Alle wuxuu la jiraa sama falayaasha.

30:1 1. Alif laam-miim [1].

30:2 2. Ruum waxaa lagaga adkaaday.

30:3 3. Dhulka soke ee hooseeya (Shaam), iyaguna, kaddib markii laga adkaaday [2], way adkaan doonaan.

30:4 4. Dhowr sano gudahood, Amarka Alle baa iska leh hor iyo gadaalba. Maalintaasayna mu’miniintu ku farxi [3].

30:5 5. Gargaarka Alle, wuxuu (Alle) u gargaaraa cidduu doono, waana Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.