>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 401

29:39 39. Qaaruun, Fircoon iyo Haamaanna (waa la halaagay). Wuxuuna Muuse ula yimid Aayado cad cad, waxayse ku kibreen arlada, mana aheyn kuwo ka baxsan kara (Cadaabkayaga).

29:40 40. Mid walbaa (oo ka mid ah) waxaan ku qaadnay denbigiisa, waxaa ka mid ahaa kuwo aan u dirnay dabeyl daran [13], waxaa ka mid ahaa kuwo uu qabsaday qarax weyn [14], waxaa ka mid ahaa mid aan la goynay dhulka [15]; waxaana ka mid ahaa kuwo aan harqinnay [16]. Mana aheyn Alle inuu dulmiyey, iyagaase nafahooda dulminayay.

29:41 41. Tusaalaha kuwa sameysta awliyo (ay caabudaan) Alle sokadi waa sida tusaalaha caadho taasoo yeelatay guri, waxaana ugu liita guryaha, guriga caadhada; hadday og yihiin.

29:42 42. Hubaal, Alle wuu ogsoon yahay waxay baryaan Isaga sokadi. Waana Adkaadaha Sare, Xakiimka ah.

29:43 43. Tusaalooyinkan waxaan u soo gudbinnaa dadka, cidise ma fahanto aan aheyn kuwa cilmiga leh.

29:44 44. Alle wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamo mu'miniinta.

29:45 45. Akhri (Nabi Muxammadow) waxa laguu soo waxyooday oo ka mid ah Kitaabka (Qur’aanka), oogna salaadda. hubaal, salaaddu waxay ka reebtaa (qofka) xumaanta iyo munkarka (falalka la naco). Xusidda Alle baa xaqiiq weyn. Alle wuu Og yahay waxaad sameyneysaan.