Cabdullaahi Xasan Yacquub — 400
29:31 31. Markay Rusushayadii (malaa’igta ahayd) ula yimaadeen Ibraahiim bishaarada [9] waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu halaagaynaa dadka magaaladan (Sodom), waayo dadkeedu waa daalimiin (gar ma qaatayaal).
29:32 32. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Waxaa ku sugan Luud. Waxay yidhaahdeen: Innaga baa kaa ogsoon cidda dhexdeeda ah, waanu badbaadin (Luud) iyo ehelkiisaba - marka laga reebo marwadiisa, waxay ahaan mid ku harta gadaal 'cadaabka' [10].
29:33 33. Markay Rusushayadii 'malaa’igta ahayd' u timid Luud wuu ka murugooday [11], oo cidhiidhi dareemay dartood; waxay yidhaahdeen: Ha cabsan hana murugoon. Waanu ku badbaadin adiga iyo ahelkaaga- ba marka laga reebo marwadaada, waxay ahaan mid ka mid ah kuwaa ku hari gadaal.
29:34 34. Waxaanu ku soo dejin dadka magaaladan cadaab kaga iman samada caasintooda darteed.
29:35 35. Waxaana uga tagnay halkaa calaamo cad (haraaga burburkii magaaladaa) ciddii garasho leh.
29:36 36. Reer Madyanna (waxaan u dirnay) walaalkood Shucayb, wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya oo (ku) rajeeya (cibaadadiinna abaal marinta) Maalinta Aakhiro, hana ku bi'innina arlada fasahaad.
29:37 37. Wayse beeniyeen, markaasaa waxaa qabtay dhul gariir daran (iyo qarax weyn), waxayna noqdeen kuwo (baqti) ah oo degaankooda daadsan.
29:38 38.Oo (waxaan halaagnay) Caad iyo Thamuud. (Halaaggooduna) wuxuu idiinka muuqdaa guryahoodii. Wuxuu shaydaan u qurxiyey camalladoodii (xumaa) oo ka duway Jidka, inkastoo ay ahaayeen dad il bax ah [12].