Cabdullaahi Xasan Yacquub — 40
2:246 246. Miyaadan ogaan (arrinka) xildhibaannadii ilmahii Israa’iil ee ka dambeeyey (waqtigii) Muuse? Markay ku yidhaahdeen Nabi loo soo diray: Noo magacow boqor, waxaanu u dagaallami Jidka Alle. (Nabigoodii) wuxuu yidhi: Ma laga yaabaa inaad dagaallami weydaan, haddii la idinku waajibiyo dagaal gal? Waxay yidhaahdeen: Maxaanaan ugu dagaalamayn Jidka Alle innagoo nalaka soo saaray guryahayagii iyo carruurtayadii. Markiise lagu waajibiyey dagaalka dhabarkay jeediyeen, in yar oo ka mid ah maahee. Alle wuu og yahay daalimiinta.
2:247 247. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Alle wuxuu idiin soo baxshay Daaluut boqor ahaan. Waxay yidhaahdeen: Sidee buu noogu noqon karaa boqor, innagoo uga xaq leh boqortooyada, lana siinin hayd iyo hanti ballaaran? Wuxuu yidhi: Alle baa idinka xushay, wuxuuna siiyey kororsiin cilmi iyo jidhba ah. Alle wuxuu siiyaa boqortooaydiisa qofkuu doono. Allena waa Deeq Ballaarane, wax kasta Ogsoon.
2:248 248. Nabigoodii (Samuel) wuxuu ku yidhi: Astaanta mulkigiisa waxaa weeye inuu idiin yimaado taabuut (sanduuq) ay ku jidho xasilooni ka timid Rabbigiin iyo haraa ah waxay ka tageen reer Muuse iyo reer Haaruun oo ay siddo malaa’ig. Arrinkani waxaa idiinku sugan calaamo haddaad tihiin mu’miniin.