Cabdullaahi Xasan Yacquub — 4
2:17 17. Mataalkooda, wuxuu ka dhigan yahay sida mid shitay dab; markiise uu ifiyey waxa hareerihiisa ah oo dhan, wuxuu Alle ka qaaday nuurkoodii, ugana tegay gudcurro mugdi ah oo aanay waxba arkeyn
2:18 18.(Xaqa) waa ka dhego la’ yihiin, af la' yihiin, indho la' yihiin, umana soo laabtaan.
2:19 19. Ama (waa) sida roob darar ah ka yimaada daruuraha oo wata gudcurro madow, onkod, iyo hillaac: waxay geliyaan farahooda xagga dhegahooda biriqyada dartood baqe ay ka qabaan mowtka. Allena waa ku hareersan yahay gaalada.
2:20 20. Hillaacu wuxuu sigaa inuu dafo arragooda, mar kastoo u ifiyo (jidka) way ku socdaan, markase mugdi ku yimaado dushooda way joogsadaan. Hadduu Alle doono, wuxuu la tegi lahaa maqalkooda iyo araggooda. Hubaal Alle wax walba Wuu Karaa.
2:21 21. Dadow! Caabuda Rabbigiin, ee idin abuuray idinka iyo kuwii idinka horreeyay, si aad u dhowrtaan (amarrada Alle oo Isaga jirtaan shirkiga iyo xumaha kale).
2:22 22. Allahaasoo idiinka yeelay dhulka gogol (fidsan), cirkana saqaf, idiinkana soo dejiyey daruuraha biyo (roob), kuna soo bixiyey midhaha risiqa idiin ah. Ee ha u yeelina Alle shariikyo aad la mid dhigtaan idinkoo ogsoon (inaysan jirin cid la mid ah).
2:23 23. Haddaad ka shakisan tihiinna waxaan ku soo dejinnay addoonkayaga ( Nabi Muxammad) oo Waxyi ah, keena Suurad la mid ah (Qur’aanka), una yeedha markhaatiyadiinna (kaalmeeyayaashiinna) Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
2:24 24. Haddaydaan falin, mana faleysaane, iska jira Naarta shidaalkeedu yahay dad iyo dhagax (sanamadii ay caabudayeen), ee loo diyaarshay gaalada.