>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 398

29:15 15. Markaasaan badbaadinnay (Nuux) iyo kuwii kula jiray Doonnida, waxaana uga yeelnay calaamo [6] 'digniin' ummadaha.

29:16 16. (Waxaana soo dirnay) Ibraahiim markuu ku lahaa qolodiisii: Caabuda Alle (Keliya) oo ka cabsada (iskana jira xuma falka), arrinkan baa idiin khayr badan, haddaad og tihiin.

29:17 17. Waxaad uun caabuddaan asnaam halkii Alle, oo been abuur sameysaan. Kuwaad caabuddaan Alle sokadi idiin ma hanan karaan risiq, ee ka doonta risiqa Alle agtiis (oo keliya) oo caabuda Isagoo Keliya oo ku mahdiya. Xaggiisaa la idiin soo celin.

29:18 18. Haddaad beenisaan (Xaqa), waxaa beeniyey ummado idinka horreeyey. Ma saarna Rasuulka waxaan ahayn Gaarsiin cad 'ee Diinta Alle' [7].

29:19 19. Miyeyna u fiirsan sida Alle u billaaba abuuridda (uunka), haddana u soo celin? Hubaal arrinkaasi Alle wuu u fudud yahay.

29:20 20. Dheh: Mara dhulka oo fiiriya sida (Alle) u billaabay uunka, haddana Alle u ahaysiinayo abuuridda dambe. Hubaal, Alle wax walba wuu Karaa.

29:21 21. Wuxuu cadaabi qofkuu doono, oo u naxariisan qofkuu doono, Xaggiisaana la idiin celin.

29:22 22. Idinku ma ku fakan kartaan dhulka iyo cirka midna, mana lihidin Alle sokadi sokeeye iyo gargaare midna.

29:23 23. Kuwa ku gaalooba Aayadaha Alle iyo la Kulankiisa, kuwaasi waxay ka quusteen Naxariistayda, waxaana kuwaa u sugnaaday cadaab xanuun badan.