>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 397

29:7 7. Kuwa (xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxaanu xaqiiq u asturi denbiyadooda, waxaana u abaal marin si waafaqsan waxa u wanaagsan ay falayeen.

29:8 8. Waxaan ku waajibannay aadmiga inuu wanaajiyo oo baarri u ahaado labadiisa waalid, haddiise ay kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso (cibaadada) waxaad u heysan cilmi [3], ha ku adeecin. Waa Xaggayga noqodkiinnu, waxaana idiin sheegi (oo idinka abaal marin) waxaad camal fali jirteen (oo dhan).

29:9 9. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, Waxaanu gelin iyaga la jirka suubbanayaasha (Jannada sare).

29:10 10. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yidhaahda: Waxaanu rumeynay Alle, markiise lagu dhibaateeyo Alle darti, mooda fidmada dadka sida Cadaabka Alle, hadduuna ka yimaado gargaar xagga Rabbigaa, waxay (munaafiqiinta) hubaal odhan: Waxaanu aheyn la jirkiin. Miyuusan Alle ahayn kan dhab u Ogsoon waxa ku jira laabaha (dadka).

29:11 11. Xaqiiq, Alle wuu muujin kuwa rumeeyey, wuuna muujin munaafiqiinta.

29:12 12. Kuwa gaalooba waxay ku yidhaahdaan kuwa rumeeyey: Soo raaca jidkayaga waxaan idinka qaadi denbiyadiinna [4]. Ma aha kuwo ka qaadi denbiyadooda waxba; xaqiiq, waa beenlawyo.

29:13 13. Waxay qaadi culaysyadooda [5], iyo culaysyo kale oo la jira culaysyadooda, waxaana la weydiin Maalinta Qiyaamaha waxay been abuuran jireen.

29:14 14. Waxaanu dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna dhex joogay kun sano oo dhimman konton sano, waxaana qaaday Duufaan iyagoo ah daalimiin.