>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 394

28:71 71. Dheh: bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo habeenka joogto tan iyo maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara iftiin, miyeydaan wax maqleyn?.

28:72 72. Dheh: Bal ka warrama, hadduu Alle ka yeelo dharaarta joogto tan iyo Maalinta Qiyaamaha, Ma ilaah baa jira aan ahayn Alle oo idiin keeni kara habeen aad ku xasishaan, mawaydaan wax arkayn?

28:73 73. Waxaa ka mid ah Naxariista Alle inuu idiin yeelay habeenka si aad ugu nasataan, iyo maalinta si aad u doonataan Deeqdiisa, iyo inaad u mahad naqdaan.

28:74 74. (Ka dig) Maalinta aan u yeedhi (mushrikiinta) oo odhan: Meeye kuwaad u heysateen inay yihiin shurakadeyda ee aad ila wadaajiseen cibaadada?

28:75 75. Waxaanu ka soo saari ummad walba markhaati, oo odhan: Keena xujadiinna. Markaasay ogaan inuu Garta leeyahay Alle (Keliya), wayna waayi waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo ah).

28:76 76. Xaqiiq, wuxuu Qaaruun ka mid ahaa qolodii Muuse, wuuse ka fallaagoobay, waxaana ka siinnay kaydadka (maalka) wax aad u tiro badan heer furayaashoodu cusleyneysay jirka rag xoog leh. Markay qolodiisii ku yidhaahdeen: Ha farax taraarin (kibrin), Alle ma jecla kuwa farxa (kibree).

28:77 77. Oo ku doono waxa (khayr ah) uu Alle ku siiyey Daarta Aakhiro, hana halmaamin qaybtaada ah adduunka, oo sama fal sida uuba Alle kuugu sama falay. Ha la doonin fasahaad arlada. Alle ma jecla kuwa wax fasaadiya.