>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 392

28:51 51. Waxaan si xidhiidhsan (oo qayb qayb ah) u soo gaarsiinnay Qowlka (Qur’aanka), inay xusuustaan (oo waantoobaan).

28:52 52. Kuwaannu siinnay Kitaabka (Towraadda iyo Injiilka) ka hor kani (Qur'aanka) - baa rumeyn [19] waxa ku soo arooray (Qur’aanka).

28:53 53. Marka loo akhriyona (Qur'aanka), waxay yidhaahdaan: Waanu rumaysannahay. hubaal, waa Xaq ka yimid Rabbigayo. Waxaanu ahayn isaga ka horba Muslimiin.

28:54 54. Kuwaas waxaa la siin ajarkooda labo jeer samirkoodii darti, waxayna ku qaabilaan wixii xumaan ah samaan, waxaan ku irsaaqnona wax ka bixiyaan.

28:55 55. Markay maqlaanna hadal macno darro ah way ka jeesadaan, oo yidhaahdaan: Waxaanu leennahay camalladayada, idinkuna waxaad leedihiin camalladiinna. Nabad gelyo [20], ma rabno (dhaqanka) jaahiliinta.

28:56 56. Adigu (Nabi Muxammadow) Ma hanuu- nin kartid ciddaad jecleysato, Alle baase hanuuniya qofkuu doono. Isagaana dhab u ogsoon kuwa hanuunsan.

28:57 57.Waxay (gaaladii Makkaad) yidhaahdeen: Haddaan kula raacno hanuunka, waxaa nalaga dafi dhulkayaga [21]. Ma waannaan dejin Xaram aammin ah, oo midho nooc walba leh la keeno - risiq Xaggayaga ah, badankooduse ma oga.

28:58 58. Badanaa intaan magaalo halaagnay, ku kibirtay nolosheeda (caasiday Alle iyo Rusushiisa). Marka waa kuwan guryahoodii aan la degin iyaga kadambow in yar ma ahee [22] waana Annaga dhaxlayaasha (u hadha).

28:59 59. Ma aha Rabbigaana mid halaaga magaalooyinka jeer uu u diro magaalada u hooyada ah (xaruntooda) Rasuul u akhrinaya Aayadahayaga. Ma halaagno magaalooyinka haddayan aheyn dadkeedu daalimiin (gar ma qaatayaal).