>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 391

28:44 44. Adigu (Nabi Muxammadow) ma aad joogin dhinaca galbeed (ee buurta), markaan siinnay Muuse amarka (Nabinnimada), mana aad ka mid aheyn kuwa ahaa goob joogga.

28:45 45. Waxaanse abuurnay Facyo (is xigsada Muuse kaddib) waxaana ku dheeraaday cumrigii [16]. Adiguna ma aheyn mid dhex joogay reer Madyan, adigoo u akhrinaya Aayadahayaga. Annaga baase ku soo dirnay 'Rusuul ahaan' [17].

28:46 46. Ma aad joogin dhinca Buurta (Duur) markaan u dhawaaqnay Muuse. (Waxaase laguu soo diray) naxariis ahaan xagga Rabbigaa si aad ugu digto qolo uusan u imaan dige hortaa inay xusuustaan (oo waantoobaan).

28:47 47. Haddaysan jirin in markay ku dhacdo masiibo waxay gacmahoodu geysteen ( oo denbiyo ah) darteed, markaasna ay yidhaahdaan: Rabbigayow! Maxaad noogu soo diri weyday Rasuul si aan u raacno Aayadahaaga oo aan uga mid ahaanno mu’miniinta (waa la ciqaabi lahaa).

28:48 48. Markiise uu Xaqa uga yimid Xaggayaga, waxay yidhaahdeen: Maxaa loo siin waayey wax la mid ah wixii la siiyey Muuse? Ma waysan ku gaaloobin wixii la siiyey Muuse awal hore? Waxay yidhaahdeen:“Waa labo sixir (Towraadda iyo Qur’aanka) oo is kaalmaystay [18]. Waxayna yidhaahdeen: Innagu dhammaan waan ku gaalownay.

28:49 49. Dheh: Ka keena Kitaab (kale) xagga Alle, oo ka hanuun wanaagsan labadooda aan raacee haddaad run sheegaysaan.

28:50 50. Haddayna ku ajiibin, ogow inay uun raacaan hawadooda. Yaana ka dhunsanaan badan mid raaca hawadiisa hanuun la’aan xagga Alle? Hubaal, Alle ma hanuuniyo qoloda daalimiinta ah.