>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 390

28:36 36.Markuu Muuse ula yimid Aayadahayaga cad, waxay yidhaahdeen: Kani ma aha waxaan ahayn sixir la been abuurtay, mana aanaan ku maqal waxakan oo kale aabbayashayadii hore dhexdood.

28:37 37. Muuse wuxuu yidhi: Rabbigay baa dhab u ogsoon kan kala yimid hanuun Xaggiisa iyo kan lahaan cidhibta wanaagsan ee Daarta [12]. Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.

28:38 38. Fircoonna wuxuu yidhi: Xildhibaannow! Anigu idiin ma ogi inaad leedihiin ilaah kale aan ahayn aniga, ee ii huri dab Haamaanow lagu dul shido dhoobada [13], markaa ii samee sar aad u dheer, si aan u soo eego ilaaha Muuse; waxaan qabaa inuu ka mid yahay beenlowyada.

28:39 39. Waxay isku kibriyeen isaga iyo askartiisuba arlada xaq darro, waxayna moodeen inaan Xaggeenna loo soo celinayn.

28:40 40. Markaasaan qabannay isaga iyo askartiisiiba oo ku tuurnay badda [14], ee fiiri siday ahayd cidhibtii daalimiinta.

28:41 41. Waxaanu ka yeelnay madax [15] wax ugu yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma gargaaro.

28:42 42. Waxaan raacinnay adduunyadan Lacnad, Maalinta Qiyaamahana waxay ka mid ahaan kuwa (laga yaqyaqsado) falalkooda xun (ee laga dheereeyey Naxariista Alle).

28:43 43. Waxaana dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) kaddib markaan halaagnay qaaruumihii hore, isagoo tusmooyin u ah dadka, iyo hanuun iyo naxariis inay xusuustaan (oo ku waantoobaan).