>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 388

28:22 22. Markuu u jahaystay xagga (arlada) Madyan wuxuu yidhi: Waa intaasoo Rabbigay igu hanuuniyo dhabbo Toosan.

28:23 23. Markuu soo gaaray biyihii Madyan wuxuu ka helay halkaa koox rag ah oo waraabsanaya (xoolahooda), sokadooda wuxuu ka helay labo haween ah oo horaya (xoolahooda). (Muuse) wuxuu yidhi: Muxuu xaalkiinnu yahay? Waxay yidhaahdeen: Ma waraabinno (xoolaheenna) jeeray raacata- du fulaan oo kaxeystaan (xoolahooda), aabbaheenna waa oday weyn oo da' ah.

28:24 24. Markaasuu u waraabiyey (xoolahoodii), wuxuuna u jeesaday oo aaday xagga meel har leh, oo yidhi: Rabbiyow! Waxaad I siiso oo khayr ah waan u baahnahay.

28:25 25. Markaasaa labadii gabdhood middood u timid iyadoo u soconaysa si xishood leh oo tidhi: Aabbahay baa kuu yeedhaya si uu kuu siiyo abaalgudka waraabintii darteed aad noo waraabisay (xoolahayaga). Markuu u yimid [9] oo uga warramay wixii qisooyin dhacay, wuxuu yidhi: Ha cabsan. Waad ka badbaadday qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

28:26 26. Waxay tidhi middood (labadii gabdhood): Aabbow ijaaro! Hubaal waxaa u fiican cid la ijaarto xoog badanaha, aaminka ah [10].

28:27 27. (Shucayb - Jethro) wuxuu yidhi: Waxaan rabaa inaan kuu guuriyo mid ka mid ah labadaydaan gabdhood, waxaase shardi ah inaad ii shaqeyso siddeed sano, haddiise aad buuxiso toban, waxay ahaan (axsaan) xaggaaga ah, ma doonayo inaan ku dhibo. Haddii Alle idmo, waxaad heli (igu ogaan) inaan ka mid ahay kuwa wanaagsan.

28:28 28. (Muuse) wuxuu yidhi: Sidaasi waa (ballan) dhexdeenna ah aniga iyo adiga midkaan labada muddo oofiyo, ma jiri doonto wax laygu colaadiyo, Alle baana ka damiin 'markhaati' ah waxaanu sheegeyno.