Cabdullaahi Xasan Yacquub — 386
28:6 6. Oo aan ku awood siinno arlada oo tusinno Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ka digtoonaayeen [2].
28:7 7. Waxaan u waxyoonnay Muuse hooyadi (Annagoo leh): Nuuji (Muuse), markaadse u cabsato ku tuur webiga (Niil), ha cabsan, hana murugoon. Annagaa kuu soo celin, oo ka yeeli mid ka mid ah Rususha (Alle).
28:8 8. Waxaa soo qaatay reer Fircoon isagoo u noqon cadow iyo (sabab u keenta ciil iyo) murugo. Hubaal Fircoon iyo Haamaan iyo askartoodii waxay ahaayeen kuwo gef badan.
28:9 9. Marwadii Fircoon waxay tidhi: Waa il qabawsigeenna aniga iyo adigaba. Ha dilina, waa intaasoo uu na anfaco ama aan ka dhiganno wiil, iyagoon dareensaneyn [3].
28:10 10. Wuxuu ahaaday qalbigii Muuse hooyadi mid maran [4], waxay ku sigatay inay kashifto (arrinkiisa) haddaanaan adkaynin qalbigeeda si ay uga mid ahaato mu’miniinta.
28:11 11. Waxay ku tidhi walaashiis (Miriam): Raad raac, waxayna ka eegeysay dhinac fog si qarsoodi ah iyagoon dareemeyn.
28:12 12. Waxaanu horey u qaddarnay inuu diido nuujiso (kale) oo dhan [5], markaasay (walaashiis timid oo) tidhi: Ma idin tusaa reer idiin daryeelaya, oo iyagu u roonaan.
28:13 13. Waxaan ku soo celinnay hooyadiis si ay u il qabawsato oo u murugoon, una ogaato in wacadka Alle Xaq yahay, dadka badankiisuse ma ogsoona.