Cabdullaahi Xasan Yacquub — 385
27:89 89. Qofkii la yimaada wanaag [26] wuxuu leeyahay wax ka khayr badan (Janno), argagaxa Maalinta (Qiyaamena) waa ka aamin.
27:90 90. Qofkiise la yimaada xumaan [27] waxaa loogu tuuri weji weji Naarta: Ma waxaa la idinku abaal marin waxaan ahayn waxaad fasheen (wax la mid ah oo xumaan ah)?
27:91 91. Waxaa aniga la I amray sideedaba in aan caabudo Rabbiga magaaladaan [28] (Makkah) ee ah Kan xurmada u yeelay oo iska leh wax walba. Waxaana la I amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta (kuwa isu dhiiba Alle ee u hoggaansan).
27:92 92. Iyo inaan akhriyo Qur’aanka. Qofkii hanuuna, wuxuu uun u hanuunaa naftiisa, qofkiise lumaa, dheh: Anigu waxaan ahay uun mid ka mid ah digayaasha.
27:93 93. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle. Wuxuu idin tusi calaamoo- yinkiisa, waadna garan doontaan. Ma aha Rabbigaa mid moog waxaad falaysaan.
28:1 1. Daa siin Miim [1].
28:2 2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad.
28:3 3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn.
28:4 4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka, wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (reer Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadeenka).
28:5 5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar).