Cabdullaahi Xasan Yacquub — 384
27:77 77. Xaqiiqna, waa u Hanuun iyo Naxariis mu’miniinta.
27:78 78. Hubaal Rabbigaa wuxuu ugu kala garsoori dhexdooda xukunkiisa, waana Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.
27:79 79. Ee talo saaro Alle; hubaal, waxaad ku sugan tahay Xaq Cad.
27:80 80. Adigu dhabtii wax ma maqashiin kartid meytida, mana maqashiin kartid dhagoolaha dhawaaqa markay tagaan oo dhabarka jeediyaan.
27:81 81. Oo ma thid mid ka toosin kara indhoolayaasha habowgooda, cidna wax wax maqashiin kartid aan ahayn kuwa rumeysan Aayadahayaga ee iyagu Muslimiin ah (Alle u hoggaansan).
27:82 82. Markuu Qawlka (Cadaabka) ku fulo dushooda [24], Waxaan uga soo bixin Neef (dugaag) arlada la hadleysa inay dadku ahaayeen kuwo aan yaqiinsaneyn Aayadahayaga.
27:83 83. (Oo ka dig) Maalintaan ka soo saari ummad walba koox ah kuwii beeniyey Aayadahayaga iyagoo is cidhiidhyi.
27:84 84. Ilaa markay yimaadaan (Rabbigood hortiis) Wuxuu ku odhan: Ma waxaad beeniseen Aayadahaygii idinkoon ku koobin cilmi, maxaadse fali jirteen?
27:85 85.Waxaa ku fuli Qowlkii 'Cadaabka' [25], dulmigoodii darti, marka ma hadlayaan.
27:86 86. Mawaysan arkayn inaan uga yeelnay habeenka inay ku xasilaan, Maalintana iftiin? Hubaal, arrinkani waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii rumeyn (Xaqa).
27:87 87. (Ka dig) Maalinta buunka la afuufi, oo ay argagixi kuwa ku sugan cirarka iyo kuwa ku sugan dhulka cidduu Alle doono mooyee, kullina waxay u imaan iyagoo dullaysan.
27:88 88. Waxaad arkaysaa buurahii aad u maleyn wax adag oo sugan, iyagoo socon socodka daruuraha oo kale, waa Sancada Alle ee hagaajiyey wax waliba. Hubaal, waa u Xog ogaal waxaad fashaan.