>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 383

27:64 64. (Alle ee ah) Kan billaaba asal ahaan abuurka, haddana soo celin, ee ah Kan idinka irsaaqa samada iyo arlada? Ma waxaa jira ilaah la jirka Alle? Dheh: Keena Xujadiinna, haddaad run sheegaysaan.

27:65 65. Dheh: Ma jiraan cid ku sugan samooyinka iyo arlada oo ogsoon Ghaybka (waxa qarsoon ee aan muuqan) Alle ma’ahee, mana ay oga goorta la soo bixin.

27:66 66. Mayee’, Cilmigooda xagga Aakhirada waa wax yar oo aan dhammeyn. Waxaybase ka qabaan shaki, wayna ka indha la' yihiin xaggeeda.

27:67 67. Kuwa gaalooba waxay dhahaan: Ma markaan noqonno carro, innaga iyo aabba- yaashayo, miyaa nala soo bixin (mar kale)?

27:68 68. Waxaa naloo yaboohay (arrin)kan, innaga iyo aabbayaashayaba mar hore, waxakanu ma aha waxaan aheyn sheeko xariirtii kuwii hore.

27:69 69. Dheh: Mara dhulka, markaas fiiriya siday aheyd cidhibtii denbiilayaasha.

27:70 70. Ee ha u murugoon, hana ka cidhiidhyamin waxay dhagar dhigi darteed.

27:71 71. Waxay yidhaahdaan: Waa goorma yaboohaasi haddaad run sheegaysaan?

27:72 72. Dheh: Waa intaasoo ay yihiin wax dhow oo gadaashiinna ah qaar ka mid ah waxaad rabtaan in la soo dedjiyo (Cadaabka).

27:73 73. Hubaalna Rabbigaa waa u Roon yahay dadka, badankooduse ma mahad naqaan.

27:74 74. Xaqiiq Rabbigaa waa Og yahay waxay laabahoodu qarin iyo waxay muujinba.

27:75 75. Ma jiro wax ku qarsoon samada iyo arlada oo aan ku qorneyni Kitaab cad [23].

27:76 76. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu kaga warrami reer Israa’iil badi waxay isku hayeen oo ay isku khilaafsanaayeen.