Cabdullaahi Xasan Yacquub — 380
27:36 36. Markii (ergaygii oo sida hadiyadda) u yimid Sulaymaan, wuxuu yidhi: Ma waxaad iigu deeqeysaan maal? Waxa se uu I siiyey Alle baa ka khayr badan waxa uu idin siiyey. Waxaadse idinku ku faraxsan tihiin hadiyaddiinna.
27:37 37. U celi iyaga, waxaan ula imaaneynaa ciidammo aysan awood u lahayn inay ka hor tagaan, waxaana ka saari magaalada iyagoo dullaysan oo ku jira xaalad liidasho.
27:38 38. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Mudanayaal! Kiinnee baa ii keeni carshigeeda ka hor inta aanay ii imaan iyagoo hoggaansan oo Muslimiin ah?”
27:39 39. Cifriit ka mid ah jinka baa wuxuu yidhi: Anigaa kuu keenaya ka hor intaad ka kicin golahaaga, oo xaqiiq waxaan anigu ahay mid xoog u leh oo aamin ah.
27:40 40. Mid haystay cilmi Kitaabka ah [11] wuxuu yidhi: Anigaa kuugu keenaya il biriqsi gudaheed. Markuu (Sulaymaan) arkay isagoo barbarkiisa yaal (carshigeedii), wuxuu yidhi: Kani waa fadliga Rabbigay - si uu ii imtixaano inaan ku mahdiyo ama aan ka abaal dhaco. Qofkii (Alle) ku mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, qofkiina ka abaal dhaca, hubaal Rabbigay waa mid kaaftoon, sharaf Badan.
27:41 41. (Sulaymaan) wuxuu yidhi: Dooriya carshigeeda si aan u aragno inay garato, mise inay noqoto mid aan garanayn.
27:42 42. Markay timid baa waxaa lagu yidhi: Ma sidan baa Carshigaagu?. Waxay tidhi: Waxaadba mooddaa isagii. (Sulaymaan wuxuu yidhi): Waxaana nala siiyey cilmi horteed, waxaanu nahay Muslimiin.
27:43 43. Waxaa (Xaqa) ka jeediyey waxay caabudeysey Alle sokadi, waxay ka mid aheyd qolo gaalo ah [12].
27:44 44. Waxaa lagu yidhi: Gal Daarta [13], markay aragtay, waxay moodday biyo dhig badan, markaasay xaydatay oo labadeedii kub muuqdeen; Sulaymaan wuxuu yidhi: Waa sar salaax sugan oo quraarad ah. Waxay tidhi “Rabbiyow! Anigu waxaan dulmiyey naftayda, haddase islaamay oo waxaan si dhan isugu dhiibay la jirka Sulaymaan Alle, Rabbiga uumanka.