Cabdullaahi Xasan Yacquub — 378
27:14 14. Way dafireen Aayadahaa dulmi iyo kibir darti, inkastoo ay nafahoodu yaqiinsadeen. Ee fiiri siday aheyd cidhibtii xume 'iyo fasahaad' wadeenka.
27:15 15. Waxaan dhab ahaan siinnay Daawuud iyo Sulaymaan cilmi. Waxay yidhaahdeen: Ammaan idilkeed iyo mahadba waxaa leh Allaah, ee naga faddilay in badan oo ka mid ah addoomahiisa mu'miniinta ah.
27:16 16. Wuxuu dhaxlay Sulaymaan (aqoontii iyo xikmaddii) Daawuud. Wuxuu yidhi: Dadow! Waxaa nala baray hadalka shimbiraha, waxaana wax nalaga siiyey wax walba [3]. Hubaal, kani waa Fadli 'Alle baxsho' oo cad.
27:17 17. Waxaa loo soo kulmiyey Sulaymaan askartiisii oo jin, dad iyo shimbiraba leh iyagoo loo abuubalay kooxo ahaan.
27:18 18. ilaa, markay yimaadeen toggii qudhaanjada, qudhaanjo baa waxay tidhi: “Qudhaanjooy! Gala guryihiinna si ayan idiin jajabin Sulaymaan iyo askartiisa iyagoo aan dareemayn.
27:19 19. Markaasuu (Sulaymaan) muusooday, isagoo ku qosli hadalkeeda, oo yidhi: Rabbiyow! I waafaji inaan ku shukriyo Nicmaddaada aad ugu nicmaysay aniga iyo waalidkayba iyo inaan falo camal san aad ka raalli tahay, oo igu geli [4] Naxariistaada addoomahaaga wanaagsan dhexdooda [5].
27:20 20. Wuxuu (Sulaymaan) kormeeray shimbirihii, markaasuu yidhi: Maxaa dhacay oo aan u arki la'ahay hud-hudkii [6], mise ma wuxuu ka mid yahay kuwa maqan?
27:21 21. Waxaan ciqaabi ciqaab daran ama waan gowrici ama wuxuu ii keeni xujo cad.
27:22 22.Mase maqnaan muddo dheer, (wuxuuna joogsaday meel aan fogeyn) oo yidhi: Waxaan soo koobay (ogaalka wax) aad koobin, waxaana kaaga keenay Saba [7] war la hubo.