>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 376

26:207 207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?

26:208 208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.

26:209 209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).

26:210 210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.

26:211 211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.

26:212 212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].

26:213 213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.

26:214 214. U dig xigtadaada kuu dhow.

26:215 215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.

26:216 216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.

26:217 217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,

26:218 218. Ee ku arka markaad kaceyso [17].

26:219 219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).

26:220 220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

26:221 221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?

26:222 222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.

26:223 223. Waxay dhigtaan dhegaha [19], badankoodna waa beenlawyo.

26:224 224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.

26:225 225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?

26:226 226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn [20].

26:227 227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?