>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 375

26:184 184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.

26:185 185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].

26:186 186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.

26:187 187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.

26:188 188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.

26:189 189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.

26:190 190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

26:191 191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

26:192 192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.

26:193 193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .

26:194 194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.

26:195 195. Isagoo af Carabi faseex ah.

26:196 196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).

26:197 197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?

26:198 198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].

26:199 199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].

26:200 200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha.

26:201 201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.

26:202 202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.

26:203 203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?

26:204 204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?

26:205 205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.

26:206 206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.