Cabdullaahi Xasan Yacquub — 374
26:160 160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
26:161 161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
26:162 162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
26:163 163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:164 164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
26:165 165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka [10].
26:166 166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.
26:167 167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.
26:168 168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).
26:169 169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.
26:170 170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.
26:171 171. Habar duqowday ma ahee [11] ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.
26:172 172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.
26:173 173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.
26:174 174. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
26:175 175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
26:176 176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
26:177 177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.
26:178 178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.
26:179 179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:180 180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
26:181 181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.
26:182 182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.
26:183 183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.