Cabdullaahi Xasan Yacquub — 373
26:137 137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).
26:138 138. Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.
26:139 139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
26:140 140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
26:141 141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.
26:142 142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?
26:143 143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.
26:144 144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:145 145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka.
26:146 146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?
26:147 147. Ku sugan beero iyo ilo.
26:148 148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.
26:149 149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.
26:150 150. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:151 151. Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha.
26:152 152. Kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.
26:153 153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.
26:154 154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.
26:155 155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal [9]; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.
26:156 156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin weyn.
26:157 157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.
26:158 158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
26:159 159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.