Cabdullaahi Xasan Yacquub — 372
26:112 112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?
26:113 113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.
26:114 114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.
26:115 115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.
26:116 116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.
26:117 117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.
26:118 118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.
26:119 119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.
26:120 120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).
26:121 121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.
26:122 122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
26:123 123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
26:124 124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.
26:125 125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
26:126 126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:127 127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
26:128 128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.
26:129 129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.
26:130 130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?
26:131 131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:132 132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.
26:133 133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.
26:134 134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.
26:135 135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn.
26:136 136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.