Cabdullaahi Xasan Yacquub — 371
26:84 84. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.
26:85 85. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.
26:86 86. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.
26:87 87. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).
26:88 88. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.
26:89 89. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6].
26:90 90. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.
26:91 91. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.
26:92 92. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?
26:93 93. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?
26:94 94. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.
26:95 95. Iyo askartii ibliis oo dhan.
26:96 96. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),
26:97 97. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.
26:98 98. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.
26:99 99. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).
26:100 100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.
26:101 101. Iyo saaxiib run ah midna.
26:102 102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7].
26:103 103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.
26:104 104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.
26:105 105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).
26:106 106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?
26:107 107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah.
26:108 108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:109 109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.
26:110 110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.
26:111 111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?