>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 370

26:61 61. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”.

26:62 62. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.

26:63 63. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.

26:64 64. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).

26:65 65. Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.

26:66 66. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).

26:67 67. Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

26:68 68. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.

26:69 69. Oo u akhri qisadii Ibraahiim.

26:70 70. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?

26:71 71. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).

26:72 72. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.

26:73 73. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?

26:74 74. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.

26:75 75. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -

26:76 76. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-

26:77 77.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5].

26:78 78. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.

26:79 79. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.

26:80 80. Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya.

26:81 81. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);

26:82 82. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'.

26:83 83. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.