Cabdullaahi Xasan Yacquub — 368
26:20 20. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.
26:21 21. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.
26:22 22. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?
26:23 23. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?
26:24 24. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan.
26:25 25. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?
26:26 26. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.
26:27 27. (Fircoon) wuxuu yidhi [3]: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.
26:28 28. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.
26:29 29. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.
26:30 30.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?
26:31 31. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.
26:32 32. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.
26:33 33. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.
26:34 34. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer.
26:35 35. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?
26:36 36. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya [4].
26:37 37. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.
26:38 38. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan.
26:39 39. Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?