Cabdullaahi Xasan Yacquub — 366
25:68 68. Ee ah kuwa aan baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle, oo aan ku dilin nafta uu Alle xarrimay waxaan ahayn xaq, oo aan zineyzan (dhilleysan), qofkii falana waxaa, wuxuu la kulmi eedsiin denbiguu galay ah.
25:69 69. Waxaa loo laba laabi Cadaabka Maalin- ta Qiyaamaha, wuuna ku dhex waari isagoo dulleysan.
25:70 70. Qofkii tawbad keena oo rumeeya (Xaqa) oo sama fala mooyee, kuwaas wuxuu Alle ugu beddeli xumohoodii xasanaad. Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
25:71 71. Qofkii tawbad keena oo sama fala, wuxuu hubaal u soo laaban (oo tawbad keeni) xagga Alle laabasho (towbad) wanaagsan.
25:72 72. Waa kuwa aan furin markhaati been ah, markay maqlaanna wax uun hadal macno darro ah ku mara sharaf (ka jeesada).
25:73 73. Waa kuwa marka lagu waaniyo Aayadaha Rabbigood aan uga dhul dhicin dhega la’aan iyo indho la’aan.
25:74 74. Waa kuwa yidhaahda: Rabbigayow! Naga sii xaasaskayaga iyo ubadkayaga waxay indhaheenna ku farxaan [29], noogana yeel kuwa Alle ka cabsada Iimaam (ay ku daydaan).
25:75 75. Kuwaasi waxaa lagu abaal marin dabaqyo sare 'jannada gudaheeda' [30] samirkoodii dartiis, waxayna kula kulmi dhexdeeda salaan iyo soo dhoweyn sare.
25:76 76. Iyagoo ku dhex waaraya weligood, wanaagsanaa hoy iyo degmo ahaan.
25:77 77. Dheh: “Rabbigay dan idiinma galeen haddaydaan barideen [31]. Haatanse waad beeniseen (Xaqa). Wuxuuna ahaan mid idin laasuma 'cadaabka' [32].