>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 364

25:44 44. Mise waxaad mooddaa inay badankoo- du wax maqli ama wax fahmi? Ma aha waxaan xoolo oo kale ahayn [20], iyagaabase ka sii lunsan jid ahaan.

25:45 45. Miyaadan arag sida Rabbigaa u fidiyo hadhka? Hadduu doonona wuxuu ka yeeli lahaa mid xasilan 'taagan', markaasaan uga yeelnay qorraxda tilmaan ay leedahay [21].

25:46 46. Markaasaan u soo qabannaa xaggayaga qabasho aayar ah oo yar [22].

25:47 47. (Alle) waa Kan idiin ka yeelay habeenka hu' [23], hurdadana nasasho, kana dhigay maalinta foof [24].

25:48 48. Waa Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Raxmaddiisa (roobka), Waxaana ka soo dejinnaa daruuraha biyo daahir ah.

25:49 49. Si aan ugu nooleyno dhul dhintay, oo ugu waraabinno waxaan abuurnay oo duunyo iyo dad badanba leh.

25:50 50. Waana u kala duwnay (badinnay) qaybinta (roobka, biyaha) bal inay waansamaan [25], wayse diideen dadku badankiisu waxaan aheyn gaalnimo.

25:51 51. Haddaan doonno, waxaan u soo diri laheyn magaalo walba dige [26].

25:52 52. Ee ha adeecin gaalada, kulana dadaal dadaal weyn (gaarsiinta Qur'aanka ee u muujiya Xaqa si dhan, buriyana baadilka).

25:53 53. (Alle) waa Kan isku dara labada badood, kan waa macaan lagu oon baxo, kanna waa qadhaadh (afka huriya), Wuxuuna yeelay xayir iyo xijaab kala dhex yaal.

25:54 54. Waa Kan ka abuuray dadka biyo, markaas u yeelay xigto iyo xididba. Rabbigaa waa Mid Wax Walba Kara.

25:55 55. Waxayse caabudaan Alle sokadi, waxaan wax tari karin, waxna yeeli karin, gaalna waa sheydaan kalkaal ka soo hor jeeda Rabbigi.