>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 359

24:62 62. Mu’miniinta waa uun kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa, oo markay ku wehliyaan arrin guud oo loo dhan yahay aan tegin jeeray idan qaataan. Hubaal, kuwa idan kaa qaata waa iyaga kuwa rumeeyey Alle iyo Rasuulkiisa. Ee hadday idan kuu weydiistaan danahooda qaarkood, u idan koodii aad doonto oo ka mid ah, ugana bari denbi dhaaf Alle. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

24:63 63. Ha ka yeelina u yeedhidda Rasuulka (Muxammad) dhexdiinna sida u yeedhidda qaarkiinba qaar. Alle dhab ahaan wuu ogsoon yahay kuwaa dhuunta iyagoo gabban (aan kaa idan qaadan Nabiyow), Ee ha is jiraan kuwaa ka hor yimaada amariiska [38] si ayan ugu dhicin balaayo ama ugu dhicin [39] cadaab xanuun badan.

24:64 64. Ogaada, hubaal, Alle baa iska leh waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Wuxuu dhab ahaan ogsoon yahay waxaad ku sugan tihiin [40]. Maalintana [41] loo celin Xaggiisa, wuxuu u sheegi waxay faleen. Alle wax walba wuu Ogsoon yahay.

25:1 1. Waxaa Barako iyo Khayr badan Kan (Alle) ee ku soo dejiyey Al-Furqaan [1] addoonkiisa [2] si uu ugu noqdo caalamka dige.

25:2 2. (Alle) ee iska leh (Mulkiga, Maamulka iyo) Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada, aan yeelan wiil (ilmo) oo aan lahayn wax shariig ah (la wadaaga) Mulkiga (iyo Maamulka uunka). abuurayna wax walba, oo u qaddaray si qiyaasan oo isku jaan go'an.