Cabdullaahi Xasan Yacquub — 358
24:59 59. Markay carruurtiinna qaan gaadhaan, ha idin weydiistaan idan, sida kuwii ka horreeyeyba ay idan u qaataan [33]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadihiisa. Alle waa wax kasta Ogsoone, Xakiim ah.
24:60 60. Dumarka gaboobay ee ka fadhiistay (quustay dhalmada) ee aan rajaynin guur, ma saarna denbi hadday iska dhigaan (khafiifiyaan) maryahooda dusha kore ah [34] iyagoon isku muujineyn inay is qurxiyaan. Inay isdhowraan [35] baa u khayr badan. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Ogsoon.
24:61 61. Ma saarna wax denbi ah Indhoolaha, iyo laan garaha, iyo bukaanka midna, iyo nafahiinnaba inaad wax ka cuntaan guryihiinna, ama guryaha aabbayaashiin, ama guryaha hooyooyinkiin, ama guryaha walaalihiin, ama guryaha walaalooyinkiin, ama guryaha adeerradiin, ama guryaha eeddooyinkiin, ama guryaha abtiyaashiin, ama guryaha habaryarahiin, ama waxaad hanataan furayaashooda [36], ama (guryaha) saaxiibkiin, idinkumana saarna denbi haddaad wax u cuntaan wadajir ama kala jir. Markase aad galeysaan guryaha, ku salaama dadkiinna salaan xagga Alle ah, barakaysan (oo) wanaagsan [37]. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayadaha si aad u fahantaan.