Cabdullaahi Xasan Yacquub — 357
24:54 54. Dheh: “Adeeca Allaah oo adeeca Rasuulka, haddiise aad jeesataan, waxaa (Nabiga) saaran oo keliya xilka la saaray. idinkana waxaa idin saaran waxa la idin saaray (Xaq raacid). Haddaad adeecdaan (Nabiga) waad hanuunaysaan. Rasuulkana ma saarna waxaan ahayn Gaadhsiin Cad.
24:55 55. Alle wuxuu u ballan qaaday kuwiinna idinka mid ah ee (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala inay u hadhi dhulka oy xukumi, siduu uga yeelayba inay u hadhaan oo xukumaan kuwii ka horreeyay, iyo inuu u makanin diintooda uu uga raalli yahay. Wuxuu ugu beddeli cabsidoodii kaddib nabadgelyo; waase inay i caabudaan (Anigoo Keliya) iyagoon ila wadaajinayn (cibaadada) waxba. Ciddii gaalowda intaas kaddibna [31], kuwaa weeye kuwa ah caasiyaasha.
24:56 56. Ee ooga salaadda, bxiyana Zakada, oo adeeca Rasuulka si la idiinku naxariisto.
24:57 57. Ha moodina in kuwa gaalooba ku fakan karaan dhulka, hoygoodu waa Naarta, iyadaana u xun meel la ahaado.
24:58 58. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Waa inay kuwaa ay gacmahiinnu midig hantaan iyo kuwa idinka mid ah aan weli qaan gaarin (intay idiin soo gelin) weydiistaan idan saddex waqti [32]; ka hor salaadda subax, iyo markaad dharka dhigataan duhurkii kuleylaha, iyo kaddib salaadda cishaha; kuwani waa saddex waqti gaar idiin ah, idinma saarna denbi idinka iyo iyagaba waxaan ahayn waqtiyadan in qaarkiin u soo galaan qaar kale iyagoon idan qaadan. Sidaasuu Alle idiinku caddeeyaa Aayada- ha. Alle waa wax kasta oge, Xakiim ah.