>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 354

24:32 32. U guuriya [23] kuwaa idinka midka ah ee doobka ah iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah addoomahiinna (ragga ah), iyo addoonnadiinna (dumarka ahi), hadday yihiin fuqaro, Alle baa ugu deeqi Fadlgiisa. Alle waa deeq Ballaarne, wax kasta Ogsoon.

24:33 33. Ha dhowrsadeen kuwa aan heli karin waxay ku guursadaaan inta uu Alle kaga hodmin Fadligiisa. Kuwa dalbana qoritaan (is-xoreyn) ee ka mid ah kuwaa ay gacmahiinna midig hantaan, siiya qoraalkaasi, haddaad ku og tihiin wanaag. Oo wax ka siiyana maalka Alle uu idin siiyey. Hana ku qasbina gabdhahiinna addoonadaha ah zino hadday rabaan inay ku sugnaadaan dhowrsanaan idinkoo doonaya sadka dhammaanaya ee noloshan adduunka. Ciddii qasabta, hubaal Alle, ku qasbiddooda kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

24:34 34. Waxaan idiin soo dejinnay Aayado cad cad [24], iyo tusaale kuwii tegay hortiin, iyo waanada kuwa (ka) dhowrsada (xumaha).

24:35 35. Alle waa Nuuriyaha [25] samooyinka iyo arlada, tusaalaha Nuurkiisa [26] waa sida feynuus uu ku jiro nal, nalkuna uu ku jiro dhalo [27], dhaladana la moodo xiddig kaah badan, laga huriyey geed barakaysan, geed-zaytuun aan bari ahayn iyo galbeed midna, ay saliiddiisu u dhowdahay inay iska ifto walow uusan dab taaban, nuur lagu kordhiyey nuur, Alle wuxuu ku hanuuniyaa Nuurkiisa qofkuu doono. Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka. Alle wax walba waa Og yahay.

24:36 36. (Nuurkaas waxaa laga helaa) Guryo gudahood uu Alle idmay in la kor yeelo [28], Magaciisana lagu xuso, halkaa waxaa ku xurmo weyneeya oo tasbiixsada gudahood subax iyo galabba,