>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 353

24:28 28. Haddaydaan ka helin cidna gudahooda, markaa ha gelina jeer la idin siiyo idan. Haddii la idin yidhaahdona noqda [15], markaa noqda; sidaasaa idiin daahirsan. Alle waa Og yahay waxaad fashaan.

24:29 29. Ma aha korkiinna denbi inaad gashaan (idan la’aan) guryo aan la degganayn ay gudahooda idiin yaalaan alaabadiinna [16]. Alle wuu Ogsoon yahay waxaad si cad u fashaan iyo waxaad qarisaanba.

24:30 30. Waxaad ku dhahdaa mu’miniinta ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [17], hana ilaashadeen xubnahooda gaarka ah [18], sidaasaa u daahirsan. Hubaal, Alle waa u Xog Ogaal waxay sameyn.

24:31 31. Waxaad ku dhahdaa mu’minaatka ha ka laabeen aragyadooda 'xaaraanta' [19] hana xafitaan xubnahooda gaarka ah, yey muujinna quruxdooda [20] wixii iska muuqda maahee [21], hana ku soo dadaan hagoogtooda luqumahooda dushooda iyo laabahooda, yeysanna u muujin quruxdooda (dhan) waxaan aheyn nimankooda qaba, ama (wax ka mid ah quruxdaa sida wejiyadooda, luqumahooda, iyo gacmahooda oo qudha) aabbayaashood, ama aabbayaasha nimankooda qaba, ama wiilashooda, ama wiilasha nimankooda qaba, ama walaalahood, ama wiilasha walaalahood, ama wiilasha walaalooyinkood, ama haweenkooda, ama kuwaa ay gacmahoodu midig hantaan, ama kuwa raacsan ee labka ah oo aan laheyn haweysi dumar [22], ama ilmaha aan weli yeelan dareen ay ku fiirsadaan cawro dumar. Yeysanna ku garaacin (dhulka) lugahooda si loo ogaado waxay qariyaan oo quruxdooda ah. U tawbad keena Alle idinkoo dhan, mu’miniintoy aad liibaantaane.