Cabdullaahi Xasan Yacquub — 352
24:21 21. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha raacina tallaabooyinka (jidadka) shaydaanka. Qofkii raaca tallaaboyinka shaydaanka, wuxuu amraa xumaanta iyo waxa la karho. Hadduusan jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa, ma daahir noqdeen qofna idinka mid ah weligi. Alle baase daahiriya qofkuu doono. Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.
24:22 22. Yey ka dhaaranna kuwaa idinka mid ah ee leh fadliga dheeraadka ah ee ladan inay siiyaan (kaalmo) qaraabadooda, masaakiinta, iyo kuwa uga soo haajiray guryahooda Alle Dartiis. Ha iska cafiyeen hana saamaxeen. Miyeydaan jecleyn in Alle idiin denbi Dhaafo [11]?Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
24:23 23. Xaqiiq, kuwa ku sheega (zino) dumarka dhawrsoon mu’minaatka ah, ee moog oo ka war la’ 'xumo oo dhan' [12], waa lagu nacladay adduun iyo aakhiraba, waxayna mudan cadaab weyn.
24:24 24. Maalinta carrabyadoodu, gacmahoodu, iyo lugahoodu ay ku markhaati furi waxay falayeen.
24:25 25. Maalintaas Alle wuxuu ugu oofin si dhan abaalgudkooda sugan, waxayna ogaan inuu Alle yahay Xaqa muuqda.
24:26 26. Hadallo (iyo camallo) xun (waxaa leh oo lagu yaqaan) dadka xun. Dadka xumina waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) xun, hadallo (iyo camallo) fiican [13] waxaa (leh oo lagu yaqaan) dadka fiican, dadka fiicanna waxay (ku hadlaan oo falaan) hadallo (iyo camallo) fiican. Kuwani (Caa'isha iyo eynigeed) waa ka barii (fog yihiin) waxay ka sheegayaan, waxayna leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan.
24:27 27. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha gelina guryo aan aheyn guryihiinna jeer aad idan weydiisataan, oo salaantaan ehelkooda [14], sidaasaa idiin khayr badan inaad xusuusnaataan.