Cabdullaahi Xasan Yacquub — 351
24:11 11. Xaqiiq, kuwa la yimid been abuurka 'qadafka Caa'isha, xaaskii Nabiga s.c w.' [6] waa koox idin ka mid ah; ha u arkina inay shar idiin tahay, mayee’ waa idiin khayr (axkaanta ka soo degtay darteed). Qof kasta oo ka mid ahina wuxuu mudan wuxuu kasbaday oo denbi ah. Kan qaybta weyn ka qaatay [7] ee ka mid ah wuxuu leeyahay cadaab weyn.
24:12 12. Maxaydaan markaad maqasheen (qadafkaa) ugu malayn mu’miniinta rag iyo haweenba khayr isla dadkoodaasi, oo ay u odhan: “Waxakani waa been abuur cad?”
24:13 13. Maxayse u keeni waayeen afar markhaati? Maadaama aysan keenin markhaatiyaal, kuwaasu Alle agtiisa waxay ka yihiin beenalayaal.
24:14 14. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu adduun iyo Aakhiraba, waxaa idinku taaban lahaa waxaad ku hadasheen darteed cadaab daran.
24:15 15. Markaad ku gaddonteen (qadafkaa) carrabyadiinna [8], oo aad ka laheydeen afafkiinnna wax aydaan ogeyn, waxaad mooddeen arrin fudud, halka Alle agtiis ay aheyd wax daran oo baas.
24:16 16. Maxaydaan markaad maqasheen u odhan: "Nooma habboona inaan ka hadallo waxakani. Adigaa hufan (Allow)! Kani (qadafkan) waa been abuur weyn".
24:17 17. Alle wuu idinka waanin inaad u noqotaan waxaasoo kale weligiin, haddaad tihiin mu’miniin dhab ah.
24:18 18. Wuxuu Alle idiin caddeyn Aayadaha. Alle waa wax walba Oge, Xikmad Badan.
24:19 19. Xaqiiq, kuwa jecel inay xumaantu [9] ku faafto mu’miniinta dhexdooda, waxay leeyihiin cadaab xanuun badan adduun iyo Aakhiraba. Alle baana Og, idinkuna ma ogidin [10].
24:20 20. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisu iyo inuu Alle yahay Turid Badane, Naxariis Badan (waad halaagsami laheydeen).