Cabdullaahi Xasan Yacquub — 350
24:1 1. (Tani) waa suurad aan soo dejinnay oo waajibinnay (ku camal falka axkaanteeda), kuna soo dejinnay dhexdeeda Aayado cad cad inaad xusuusataan (oo ku waano qaadataan).
24:2 2. Zaaniydda iyo Zaaniga [1] ku jeedala midkood walba boqol jeedal [2]. Yeysanna turid [3] aad u tureysaan idinka celin fulinta Amarka Alle, haddaad rumeysan tihiin Alle iyo Maalinta Aakhiro, waana inay koox mu’miniin ah goob joog ka ahaadaan ciqaabkooda.
24:3 3. Zaanigu (dhillaygu) ma uu la galmo galo waxaan aheyn Zaaniyad (dhillo) ama Mushrikad (gaalad), Zaaniyaddana (dhillada) ma ay la galmo galaan waxaan aheyn zaani (dhillay) ama Mushrik (gaal), waana ka xaaraan mu’miniinta 'guursiga kuwaasi iyaga ah' [4].
24:4 4. Kuwa qadfa (ku sheega) dumar (ama rag) dhowrsoon (zino-dhilleysi), oo aan keenin afar markhaati ah, jeedala siddeetan jeedal, hana ka yeelina wax marag fur ah abadkood, kuwaasina waa uun faasiqiin.
24:5 5. Kuwa tawbad keena intaas kaddib ma’ahee, oo samaada, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
24:6 6. Kuwa qadfa (ku sheega zino- dhilleysi) xaasaskooda oo aan haysan markhaati aan aheyn nafahooda, marag furka midkood walba oo ka mid ah (waa in la dhaariyo) afar jeer, isagoo markhaati gashanaya Alle inuu run sheegayo.
24:7 7. Tan shanaad (waa inuu ku dhaarto) in Nacaladda Alle ku dhacdo hadduu been sheegayo.
24:8 8. Waxaa ka baajin iyadana ciqaabta inay dhaarato afar jeer, iyadoo marag gashaneysa Alle inuu been sheegayo.
24:9 9. Tan shanaadna (waxay ku dhaaran) in Cadhada Alle ku dhacdo hadduu run sheegayo.
24:10 10. Hadduuna jirin Fadliga Alle korkiinna iyo Naxariistiisa [5], iyo inuu Alle yahay mid Tawbad Aqbal Badan, Xakiim ah.