>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 349

23:105 105. (Waxaa lagu dhihi): Sow Aayadahayga la idiin ma akhriyi jirin oo ma aydaan beenin jirin.?”

23:106 106. Waxay odhan: “Rabbigayow! Ayaandarradayadii baa naga adkaatay, waxaana aheyn qolo habowsan.

23:107 107. Rabbigayow! Naga bixi xaggeeda (Naarta); haddaan u noqonno (xumaan fal), innagaa daalimiin (gar ma qaatayaal) ah.”

23:108 108. (Alle) Wuxuu odhan: Ku dullooba dhexdeeda (Naarta), hana ila hadlina.

23:109 109. Waxaa xaqiiq jiray qaar ka mid ah Addoomahayga oo odhan jiray: “Rabbigayow! waan rumaynay (Xaqa) ee noo denbi dhaaf, noona naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”

23:110 110. Waxaadse ka yeelateen jees-jees, ilaa ay idin illowsiiyeen Xusiddeydii, waadna ku qosli jirteen.

23:111 111. Waxaan anigu ku abaal mariyey Maanta samirkoodii darti inay iyagu yihiin guuleystayaasha.

23:112 112. (Alle) wuxuu odhan: “Immisa sano baad joogteen arlada?”

23:113 113. Waxay odhan: “Waxaan joognay maalin ama maalin gelinkeed. Weydiiya kuwa wax tiriya (malaa'igta).”

23:114 114. Wuxuu odhan: “Ma aydaan joogin adduunka in yar ma’ahee haddaad ogaan lahaydeen.

23:115 115. Ma waxaad mooddaan inaan idiin abuurnay dheel, oo aan Xaggayaga la idiin soo celineyn?

23:116 116. Waxaa Kor ah oo Sarreeya Allaah Boqorka Runta ah, ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn, waa Rabbiga Carshiga Sharafta Badan.

23:117 117. Qofkii barya (caabuda) Alle la jirkiis ilaah kale, uma heysto wax xujo ah arrinkani, xisaabintiisu waxay uun la jirtaa Rabbigi. Hubaal gaaladu ma liibaanaan.

23:118 118. Dheh: Rabbiyow! Denbi dhaaf oo Naxariiso, Adigaa u wanaagsan inta naxariisata.”