>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 348

23:90 90. Waxaanse u keennay Xaq, oo xaqiiq waa beenalayaal.

23:91 91. Alle ma yeelan wiil (ilmo), mana aha la jirkiis ilaah (kale) - markaas wuxuu la tagi lahaa ilaah walba wuxuu abuuray, oo qaarkood waxay ka adkaan lahaayeen qaar kale. Ka hufan Allaah (ceeb iyo nuqsaan oo dhan) waana ka Sarreeyaa waxyaalaha ay ku tilmaamayaan.

23:92 92. Waa ogsoonaha waxa qarsoon iyo waxa muuqda! Wuu ka sarreeyaa waxay la wadaajiyaan (cibaadada).

23:93 93. Dheh: Rabbiyow! Haddaad i tuseyso waxa loogu gooddiyo (cadaabka).

23:94 94. Rabbiyow! Ha iga mid yeelin qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.”

23:95 95. Annaguna inaan xaqiiqdii ku tusno waxaan ugu gooddinno waan Awoodnaa.

23:96 96. Ku tir xumaanta sida u wanaagsan, Annagaa Ogsoon waxay sheegayaan.

23:97 97. Dheh: “Rabbiyow! Waxaan kaa magan gali waswaasinta shayaadiinta.

23:98 98. Waxaana kaa magan gali Rabbiyow inay ii yimaadaan shayaadiintu.

23:99 99. Ilaa markay geeridu u timaaddo midkood (gaalada), wuxuu yidhaahdaa; Rabbiyow! Dib ii celi (adduunkii).

23:100 100. Si aan ugu falo wanaag waxaan ka soo tegay [15]. “May, ma jirto! Waa uun kelmad uu isaga hadlo, waxaana horti ah Barzakh 'xayir [16] aan furmeyn ilaa Maalinta la soo bixin doono (Qiyaamada).

23:101 101. Marka la afuufo buunka, ma jirto qaraabbannimo dhexdooda ah Maalintaas, waxnana isma warsadaan.

23:102 102. Qofkay cuslaato miisaanka camalladiisa wanaagsan, kuwaa weeye kuwa ah liibaanayaasha.

23:103 103. Qofkayse fududaato miisaanka camalladiisa wanaagsan - kuwaa weeye kuwa khasaaray nafahooda, Jahannamayna ku dhex waadhi.

23:104 104. Naartu waxay diiran wajiyadooda, iyagoo kuduudsan oo faruuran [17].