Cabdullaahi Xasan Yacquub — 347
23:75 75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’.
23:76 76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh.
23:77 77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan.
23:78 78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle).
23:79 79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin.
23:80 80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn.
23:81 81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen.
23:82 82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin?
23:83 83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore.
23:84 84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’
23:85 85. Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn?
23:86 86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn [14]?
23:87 87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?.
23:88 88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan?
23:89 89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?”