>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 346

23:60 60. Ah kuwa bixiya waxay bixiyaan (oo sadaqo ah ama fala camallo wanaagsan), iyagoo qalbiyadoodu baqo ka qabto [10] 'inaan laga aqbalin, oo yaqiinsan' inay Rabbigood u soo noqon.

23:61 61. Kuwaasaa u degdega khayraadka, una dheereeya.

23:62 62. Ma saarno nafna culeys aan aheyn karaankeeda, Waxaana agtannada ah Kitaab ku hadla xaq iyagoon la dulmineyn.

23:63 63. Waxayse quluubtooda kaga jiraan jahli daran kan (Qur’aankani), waxayna leeyihiin acmaal (kale oo xun) oo kuwan u wehliya oo ay falaan.

23:64 64. Jeer markaan ku qabbanno kuwooda ladan ee ka mid ah cadaab [11], markaasay calaacalaan.

23:65 65. Ha calaacalina maanta! Hubaal idinku xaggayaga laydiin kama gargaaro’e.

23:66 66. Aayadahaygii baa la idiin akhrinayey, waxaadse ahaydeen kuwo dib ugu gurta cirbihiinna (oo Xaq iyo Nabad diid ah).

23:67 67. Idinkoo isku kibrin (inaad tihiin ehlu Xaramka - Kacbada), ku caweeya habeenka hadal xun aad ka sheegtaan [12].

23:68 68. Miyaanay (gaalada) u fiirsan Qowlka (Qur’aanka), mise waxaa u yimid waxaan u iman aabbayaashoodii hore?

23:69 69. Mise waxaanay garan Rasuulkooda (Muxammad) sidaas darteed diidaan?.

23:70 70. Mise waxay leeyihiin: “jin baa ku jira?” mayee, wuxuu u keenay Xaq (Qur’aanka), badankooduse Xaqa bay neceb yihiin [13].

23:71 71. Hadduu Xaqu raaci lahaa hawadooda, waxaa fasaadi lahaa samooyinka iyo arlada iyo waxa ku sugan. Waxaanse u keennay xuskooda (Qur'aankan), ha yeeshee xuskooda way ka sii jeestaan.

23:72 72. Mise waxaad adigu weydiisataa kharaj (ujuuro)? Kharajka Rabbigaa baa se kheyr badan, waana Isaga Kan u wanaagsan inta risiq bixisa.

23:73 73. Waxaadna adigu (Nabiyow) ugu yeedhaa Jid Toosan (Islaamka).

23:74 74. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirona Jidka (Toosan) way ka iishaan.