Cabdullaahi Xasan Yacquub — 345
23:43 43. Ma jirto ummad ka soo hor mari karta ajasheeda, ama ka dib mari karta.
23:44 44. Markaasaan soo dirnay Rusushayada oo is raacsan, mar kastoo uu u yimaado ummad Rasuulkeedu way beeniyaan, kolkaasaan ka yeellay qaarba inay raacaan qaar kale (halaagnay), oo ka dhignay wax lagu sheekeysto. Ee meel daran ha ka dhaceen qolodaan (Xaqa) rumeyn.
23:45 45. Markaa Waxaan soo dirnay Muuse iyo walaalki Haaruun oo wata Aayadahayaga [5] iyo Xujo Cad.
23:46 46. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadiisii, waxayse u dhaqmeen si isla weyni ah, waxayna ahaayeen qolo isla sarreeya.
23:47 47. Waxay yidhaahdeen: “Ma waxaan rumeyn labo nin oo nala mid ah oo dadkoodu innaga noo adeegaaan.”
23:48 48. Markaasay beeniyeen oo ka mid noqdeen kuwii la halaagay.
23:49 49. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) si ay u hanuunaan [6].
23:50 50. Waxaana ka yeelnay wiilkii Maryam iyo hooyadiis calaamad [7], waxaana ka siinnay hoy meel sare oo sugnaansho iyo biyo socda leh (ilo).
23:51 51. (idinka) Rususha ahow! Ka cuna cuntada inta xalaasha ah wanaagsan oo sama fala. Anigu xaqiiq waxaad faleysaan waan Ogahaye.
23:52 52. Hubaal, diintiinnaan (Islaamka) waa diin mid keliya ah. Aniguna waxaan ahay Rabbiigiin, ee iga cabsada (oo ka fogaada shirkiga iyo xumaha kale) .
23:53 53. Waxayse u kala goosgoosteen diintooda dhexdooda kooxo, koox walbaa waxay haystaan [8] ay ku faraxsan yihiin.
23:54 54. Ee iskaga tag jahliga daran ay ku jiraan ilaa iyo muddo.
23:55 55. Ma waxay moodaan waxa aanu siinno ee maal iyo carruur ah.
23:56 56. Inaan ula soo dhaqsanno waxyaalaha wanaagsan? mase dareensana [9].
23:57 57. Hubaal Kuway cabsida Rabbigood ku weyn tahay;
23:58 58. Ee ah Kuwa Aayadaha Rabbigood rumeysan,
23:59 59. Oo ah kuwa aan cid kale la wadaajin Rabbigood (cibaadada);