>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 344

23:28 28. Markaad ku dul fadhiisataan adiga iyo kuwaa ku wehliyaba doonnida, dheh: “Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga babaadiyey qoloda daalimiinta ah (gar ma qaatayaasha).

23:29 29. Oo dheh: “Rabbiyow! I deji degaan barakaysan, Adigaa ugu wanaagsane inta wax dejisa'e ”.

23:30 30. Hubaal, Arrinkaa waxaa ku sugan calaamooyin, waxaana nahay xaqiiq kuwa wax imtixaama.

23:31 31. Markaasaan waxaan soo bixinnay iyaga kadambow fac kale (qoonkii Caad).

23:32 32. Waxaana u soo dirnay dhexdood Rasuul 'Nabi Huud' [4] ka mid ah (oo amraya) Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Ee miyeydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.

23:33 33. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisa ee gaaloobay oo beeniyey la kulanka Aakhirada, kuwaasoo aan siinnay wax badan si ay ugu raaxeystaan noloshan adduunka waxay yidhaahdeen: “Kanu ma aha waxaan ahayn qof idin la mid ah cuna waxaad cuntaan,cabbana waxaad cabtaan.

23:34 34. “Haddaad adeecdaanna qof idin la mid ah,idinku markaa xaqiiq waad khasaarteen.

23:35 35. “Ma wuxuu idiinku gooddiyaa in markaad dhimataan oo aad noqotaan carro iyo lafo in markaa la idin soo bixin (nooleyn mar kale).?

23:36 36. Waa wax fog, oo fog waxa la idiinku gooddiyey (oo aan dhaceyn).

23:37 37. “Ma jirto (nolol) aan aheyn noloshayada adduunka! Waanu dhiman (qaar) oo noolaan (qaar)! Mana nihin kuwo la soo bixin (nooleyn dhimasho kaddib).

23:38 38. “Ma aha waxaan ahayn nin ku been abuurtay Alle, mana nihin kuwo rumeyn.”

23:39 39. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow! Iiga gargaar beenitooda .

23:40 40. (Alle) wuxuu yidhi: In yar kaddib, waxay ahaan kuwo shallaaya.

23:41 41. Markaasaa waxaa qabtay qeylo si xaq ah, waxaana ka dhignay daad xoor. Ee meel daran ha ka dhaceen daalimiinta.

23:42 42. Markaasaan ahaysiinnay iyaga kadambow facyo kale (qolooyinkii Luud, Shucayb, Ayyuub iyo Yuunus).