>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 343

23:18 18. Waxaan ka soo dejinnay daruuraha biyo (roob) qiyaasan, oo waxaan dejinnay dhulka, waana Karnaa inaan la tagno.

23:19 19. Waxaana idiinku soo saarnay beero timir ah iyo canab oo aad ka heshaan midho badan oo aad wax ka cuntaan.

23:20 20. Iyo geed (zaytuun) ka baxa Buurta Siinaay, oo u soo saarta saliid iyo koosaar kuwa cuna.

23:21 21. Waxaa xaqiiq idiinku sugan xoolaha cibrad. Waxaan idinka waraabinnaa waxa ku jira uurarkooda, waxaana idiinku sugan, manaafacaad (kale) oo badan oo ay idiin leeyihiin, xaggeedaadna wax ka cuntaan.

23:22 22. Korkeeda iyo doonyaha korkooda baana la idinku rar qaadaa.

23:23 23. Waxaan dhab ahaan u dirnay Nuux qolodiisii, wuxuuna yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle Keliya. Ma lihidin ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn, miyeydaan ka cabsaneyn Alle oo iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

23:24 24. Waxayse xildhibaannadii ka mid ahaa kuwaasi gaaloobay oo ka mid ah qolodiisii yidhaahdeen: Kanu ma aha waxaan ahayn qof idinla mid ah, raba inuu idin ka sare maro, hadduu Alle doono, wuxuu soo dejin lahaa malaa’ig, ma aanu ka maqal arrintan (towxiidka) aabbayaashayadii hore.

23:25 25. Wax kalena ma uu aha ee waa uun nin jin ku jiro, ee u samra in muddo ah (intuu ka reysto ama dhinto).

23:26 26. (Nuux) wuxuu yidhi: “Rabbiyow iiga gargaar beenintooda”.

23:27 27. Markaasaan u waxyoonnay (Annagoo leh): “Ku samee doonnida Indhahayaga hortood iyo (si waafaqsan) Waxyigayaga, markuu Amarkayagu yimaado, oo burqado tinnaarka, ku qaad doonnida noole walba lammaane (lab iyo dheddig) iyo intii ku raacday aan ahayn kuwaa qowlka (in la halligayo) horay ugu dhacay oo ka mid ah iyaga, hana igala hadlin (arrinka) kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida), hubaal waa kuwo la harqin doono.