Cabdullaahi Xasan Yacquub — 339
22:56 56. Xukunka Maalinkaas waxaa iska leh Allaah, Wuxuu kala xukumi dhexdooda. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala waxay geli beeraha barwaaqada ah (Janno).
22:57 57. Kuwase gaalooba ee beeniya Aayadahayaga, kuwaa weeye kuwa leh cadaab dulleysa.
22:58 58. Kuwa u soo haajira Alle darti, markaa la dilo ama dhinta, Wuxuu Alle siin risiq wanaagsan. Alle waa Kan u wanaagsan inta bixisa risiqa.
22:59 59. Wuxuu galin meel gelitaan ay ka raalli noqon (Janno). Alle waa wax kasta Ogsoone, Dul qaad Badan.
22:60 60. Waa sidaase, kan isagu ku aar guta intii gef loo geystey in le’eg, kaasoo lagu gardarrooday, hubaal Alle wuu u gargaari. Hubaal Alle waa Cafis Badane, Denbi Dhaaf Badan [18].
22:61 61. Arrinkani waxaa ku wacan inuu Alle habeenka dhex geliyo maalinta, maalintana dhex geliyo habeenka (kala badiyo), Allena waa wax kasta Maqle, wax kasta Arka.
22:62 62. Arrinkani waxaa ku wacan waa in Alle uu yahay Xaq, iyo in waxay baryaan (caabudaan) sokadi uu yahay Baadil, iyo in Alle yahay Sarreeyaha, Weyn .
22:63 63. Miyaanad arag inuu Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas dhulku noqdo doog? Hubaal, Alle waa Roonaan Badane, Xog-Ogaal ah.
22:64 64. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Hubaal, Alle waa Hodonka (ka deeqtoon wax waliba) la ammaanoo Mahadsan.