Cabdullaahi Xasan Yacquub — 338
22:47 47. Waxay kaa dalbaan inaad u soo dedejiso cadaabka. Allena kama baxo Ballankiisa. Hubaal, maalin Rabbigaa agtiis ah waxay la mid tahay kun sano waxaad idinku tirsataan.
22:48 48. Badanaa inta magaalo aan u seeto dheereeyey iyadoo la ceegaagan dulmi, kaddib aan qabtay, waana Xaggeyga halka loo soo laabmayo.
22:49 49. Dheh: "Dadow! Waxaan uun anigu idiin ahay Dige Cad (ka digaya cadaab daran)".
22:50 50. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyhiin denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda).
22:51 51. Kuwase u xusul duubta ka hortagga Aayadahayaga, kuwaasi waa ehlu Naarka.
22:52 52. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuul ama Nabi aan markuu hadlayey (ama wax akhrinayey) aanu wax ku tuurin sheydaanku akhrintiisa, wuxuuse Alle nasakhaa oo tiraa waxa uu shaydaan soo tuuro, markaa Alle sugaa Aayadahiisa [16]. Alle waa wax kasta Oge, Xakiim ah.
22:53 53. Waa si u ugaga yeelo waxa uu Shaydaanku soo tuuro imtixaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur iyo kuwa quluubtoodu adag yihiin. Daalimiintu (gaalada) waxay ku sugan yihiin gaalnimo iyo khilaaf fog.
22:54 54. Waa si ay u ogaadaan kuwa la siiyey cilmiga inuu (Qur’aankani) yahay xaq ka yimid Rabbigaa, oo ay rumeeyaan oo ay u khushuucdo quluubtoodu. Hubaal Alle wuu ku hanuunin kuwa rumeeyey (Xaqa) Jid Toosan (Islaamka).
22:55 55. Kuwa gaaloobana ma deyn doonaan inay shaki ka qabaan (Qur’aankani) jeer ay Saacdda (Qiyaame) ugu timaaddo kedis ama u timaado cadaab Maalin daran oo maalin kale ka dambeyn [17].