Cabdullaahi Xasan Yacquub — 337
22:39 39. Waxaa loo idmay kuwa lala dagaallami 'inay dagaallamaan' [15] waayo waa la dulmiyey. Alle wuu Karaa inuu guul siiyo.
22:40 40. Kuwa looga soo saaray guryahoodii xaq darro iyagoon waxba geysan, inay yidhaahdeen maahee: Rabbigayo waa Allaah.” Haddayna jirin ku difaacidda Alle dadka qaarkoodba qaar, waxaa la dumin lahaa sawmacado, kaniisado, macaabid, iyo masaajid gudahooda Magaca Alle in badan lagu xuso. Alle wuu u gargaari kuwa u gargaara (Diintiisa), hubaal Alle waa Xoog Badane, Adkaada.
22:41 41. Kuwa haddaan ku siinno awood arlada, ooga salaadda, bixiya Zakada, oo amra wanaagga, oo reeba xumaha. Alle baa ka taliya aayaha arrimaha oo idil.
22:42 42. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa hortood beeniyey qolodii Nuux, Caad, iyo Thamuud,
22:43 43. Iyo qolodii Ibraahiim iyo qolodii Luud,
22:44 44. Iyo reer Madyan, Muusena (sidoo kale) waa la beeniyey, markaasaan u seeto dheereeyey gaaladii, ka dambowna qabtay, ee sidee ahaa Ciqaabkeygii.
22:45 45. Badanaa inta magaalo aan halaagnay iyadoo dulmi fali, sidaa darteed iyadu ku dambeysay burbur (ilaa iyo maanta), badanaana inta ceel laga qaxay iyo daaro waaweyn.
22:46 46. Miyeyna marin dhulka, si ay u yeeshaan qalbiyo ay wax ku gartaan ama dhego ay wax ku maqlaan? Hubaal, Ma aha indha beel isha oo arag beesha, ee indha beelka dhabta ah waa arag beelka quluubta ku jira laabaha.